Howl galo caawa ay Ciidamada Madaxtooyadu ka sameeyeen Boosaaso.
January 11, 2021 - Written by EditorBoosaaso:-Howgal uu hogaaminayey Taliyaha Ciidamada Booliska Gobalka Bari oo ay qeyb ka ahayeen Ciidamada Madaxtooyada Dowlada Puntland ayaa caawa laga sameeyey magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari si loo xaqiijiyo amniga magaalada Boosaaso.
Taliyaha Ciidamada Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud iyo weliba Ciidamada Madaxtooyadda ayaa howl galka ay ka sameeyeen cidamada waxaa uu qaadatay ilaa 9 saacadood waxana laga sameeyay howl galka Bartamaha Laamiga Bosaaso iyo weilba Xaafaddah magaalada Boosaaso ,Hoteelada waxaan howl galkaan lagu soo qabtay dad badan oo lagu samayn doono baaritaano kale duwan.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Bulshada Boosaaso ka codsaday in ay la shaqeeyaan laamaha amniga ee Gobolka Bari.
no images were found
M_M_Deeq
Halgan.net.