Madaxweynaha Jubbaland oo shir gudoomiyey shirka Golahiisa xukuumada.

January 14, 2021 - Written by Editor

Kismaayo:-Shirka Golaha Xukuumada Jubbaland oo uu maanta Shir gudoominayey Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ka qabsoomey hoolka madaxtooyada Jubbaland ee magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn Golaha uga warbixiyey Shirarkii Garowe ee xalka loogu raadinayey xaalada Siyaasadeed ee Dalka, gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka oo meel xasaasi ah xiligan maraya iyo sidookale kulamadii uu madaxweynuhu la qaatey Midowga Musharaxiinta iyo ka qeybgalkiisii Shirkii aragti wadaaga ee Heritage, kuwaas uu Madaxweynuhu sheegay inay kusoo aadeen waqti loo baahnaa natiijo miro dhal ahna ay kasoo baxdey.

Warbixinta Madaxweynaha kadib Wasaarada Ganacsiga ayaa soo gudbisey Xeerar ay nuquladooda la wadaagtey Golaha kuwaas akhrintooda kadib todobaadka danbe golaha lagaga doodi doono.

Xeerarka ay wasaaradu soo gudbisey waxaa kamid ah :-

1- Xeerka Maalgashiga Dowlada Jubbaland.
2- Xeerka Shatiyada Ganacsiyada Jubbaland
Sidookale wasaarada Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Jubbaland ayaa golaha u soo gudbisey nuqulada Sharciga Isgaarsiinta ee Dowlada Jubbaland.
……………………………………..DHAMMAAD………………………………

Leave a comment

*

Archives
January 2021
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online