Madaxweynaha PL oo guddi u magacaabay Cabashooyinka la xiriiri Shillin Soomaaliga.

January 10, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay guddi kasoo tala bixiya cabashooyinka la xiriira shillin Soomaaliga.
Guddiga ayaa ka kooban:
Madaxweynihii Hore Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole.
Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Puntland.
Wasiiradii hore ee Maaliyadda ( Faarax Cali Shire iyo Cabdullaahi Shiikh).
Wasaaradda ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga.
Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
Iyo Bangiga Dowladda Puntland.
Madaxda qaar ka mid ah Jaamacadaha Puntland iyo khuburo ku xeeldheer arrimaha dhaqaalaha ayaa guddigan kala shaqeyn doona talabixinta.
Madaxweynaha ayaa guddigan magacaabay kadib markii uu maanta Shir-guddoomiyey kulan gaar ah looga hadlay xal u helida cabashooyinka la xiriira Shillin Soomaaliga.

——DHAMMAAD—–
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
January 2021
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online