Madaxweynihii hore ee DFS Xassan Shiikh Mohamuud oo ka horyimid go’aankii Doorashooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.[Video]
January 9, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Mohamuud oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay go’aankii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku go’aansadeen in la guda galo doorashooyinka, xili weli uu taagan yahay Khilaafka ka jira gudiga doorashada, arrinta Gedo iyo xubnaha laga soo xulayo S/land ee uga qayb noqonaya Golaha Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa Aqal.
Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Mohamuud ayaa sheegay in go’aanka ka soo baxay Xukuumada Federaalka Soomaaliya uu yahay mid dhaawacaya midnimada dalka Soomaaliya sababta ah go’aan hal dhinac ah waxaa uu khatar gelinayaa Midnimada iyo isla socodka dalka Soomaaliya oo weli ku jira dib u heshiisiin.
Hoos ka Daawo Shirka Jaraa’id Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Mohamuud.
A/cawaale
Halgan.net