Wafdi ka socoda Qaramada Midoobey oo tegay Baydhabo
January 14, 2021 - Written by EditorBaydhabo:-Magaalada Baydhabo waxaa maaanta gaaray saraakiil ka socotay Qaramada Midoobe oo ay ka mid ahaayeen xubno ka socda Hay’adaha IOM iyo OCHA.
Saraakiisha ayaa la kulmay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen iyo golahiisa wasiirrada, iyagoo kala hadlay taageerada hay’adaha Qaramada Midoobay ee arrimaha dib u heshiisiinta, gargaarka bani’aadannimada, horumarka iyo deegaanka.
“waxaan halkan u nimid inaan dhageysanno waxa uu maamulka Koonfur Galbeed ka rajeynayo Qaramada Midoobay 2021-ka si aan uga wadashaqeyno sidii loo xaqiijin lahaa baahiyaha dadka” ayuu yiri, ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, oo hadlayey kulanka kaddib.
Isagoo maanta kula hadlayey warfidiyeenka magaalada Baydhabo, Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan waxa uu muujiyey tixgelinta uu u hayo dadaallada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen ee ku aaddan doorashooyinka dalka, waxa uuna carrabka ku adkeeyey wakiilku baahida loo qabo dereen is-afgarad iyo wada-shaqeyn si horay loogu sii socdo.
A/cawaale
Halgan.net