Beesha caalamka oo mar kale ugu baaqday Madaxda Soomaalida in ay wada hadlaan
April 11, 2021 - Written by EditorNairobi:-Warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Qaramada Midoobay, Midowga Africa, Midowga Yurub iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul gobolleedyada ugu baaqay in ay dib u furaan wada hadalka si xal looga gaari is mari waaga ka taagan arrimaha doorashooyinka.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay inaysan taageeri doonin hannaan doorasho oo is bar-bar socda, muddo kororsi iyo weliba qorshe kasta oo dhaawici kara amniga, nabadda iyo xassiloonida dalkaSoomaaliya.
Hoos ka akhriso qoraalka ay Beesha Caalamka kula hadleen madaxda Soomaalida.
no images were found
A/cawaale
Halgan.net