Ciidamada Booliska Gobolka Bari oo gacanta ku soo dhigay Askari dil ugu geystay qof shacab ah ee Boosaaso.[Video]
April 12, 2021 - Written by EditorBoosaaso:-Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamada Booliska ee Magalada Bosaaso ay gacanta ku soo dhigeen askari ka tirsan ciidamada oo dil u geystay Qof shacab ah ka dib markii uu goobtii uu dilka ka geystay uu ka baxsaday.
Ciidamada Boolska magaalada Boosaaso oo howlagal sameeyay ka dib Dilka loo geystay qofka shacabka ah ayaa ku guulaystay in ay gacanta ku soo dhigaan gacan ku dhiglihii dilka geystay haddana waxaa uu ku jiraa gacanta Booliska.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo la hadlay saxaafadda ayaa yiri ” In la Dhaafay In Askari markii Uu Dil u geysto Qof shacab ah La Oran Jiray Waa Baxsaday Qofkasta Oo Dhibateeya Shacabka Cadaalada La Horgeyn doono”
M_M_Deeq
Halgan.net