Ciidamada PSF ee Puntland oo jab xoog leh gaarsiiyeey Kooxda Daacish.[Video]

April 4, 2021 - Written by Editor

Qandala:-Ciidamada PSF ee Puntland oo Howgal qaatay 48-saac ku qaaday degaannada Baraagaha Madax Madow iyo Dhabancaddo ee Buuraha Cal Miskaat oo hoostaga degmada Balidhidin ee gobolka Bari ayaa lagu beegsaday goobo ay argagixisada Daacish ku sugnaayeen .
Howlgalkan oo u dhacay si guul leh ayay ciidamada PSF waxay jab xoog leh ugu geysteen cadowga Daacish ,iyada oo ay ciidamadu ka dileen dhagarqabayaasha Daacish in ka badan 24 xubnood.

Waxaa kale oo gabi ahaanba ay ciidamada PSF burburiyeen xaruntii ay Daacish halkaas ku lahaayeen oo ay ku kaydsanaayeen sahay iyo saanad badan oo ay Daacish lahayd isla mar ahaantaana waxay ciidamadu gubeen 2 gaari oo ay ku xireen argagaxisada Daacish qaraxyo diyaarsan, oo ay doonayeen in ay soo geliyaan magaalada Bosaso si ay ugu waxyeelaan shacabka aan waxba galabsan.

Intii howlgalkani socday waxaa jirey khasaare aad u kooban oo ka soo gaaray ciidamada PSF. Dadka reer guuraaga ah, bulshada kale ee ku nool degaannada howlgalka laga sameeyeyey iyo guud ahaan shacabka reer Puntland ayaa uga mahad celiyeen ciidamada amniga PSF howlgalladooda ay ku beegsanayaan argagagixisada.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2021
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online