Golaha Wakiillada PL oo qaadacay muddo kordhintii loo sameeyey Goleyaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya.[Video]
April 17, 2021 - Written by EditorGaroowe:-Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa qaadacay muddo kordhintii ay sameysteen Goleyaasha Dawladda Federalka ee Soomaaliya ee wakhtigu ka dhammaaday,
Fadhiga maanta oo uu Shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril uu ay wehliyaan ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo Ku xigeenka 2aad Ismaaciil Maxamed Warsama.
Fadhiga oo ay maanta joogeen 52 Xildhibaan ayaa waxaa Ogol u codeeyay 49, Diidmo 1, Aamus 2 Mudane. Isla maanta, Fadhiga 28aad ee Kalfadhiga 47aad ee Golaha Wakiillada DPL ayaa waxaa horyimi, Madaxweynaha & Madaxweyne ku xigeenka DPL waxayna Xildhibaanadana iska xog-wareysteen xaaladaha dalka guud ahaan,isla maanta ayaana rasmi ah loo soo xiray.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiilada Dawladda Puntland