Guddoomiyaha Gobolka Bari oo ka tacsi yeeyey geerida Guddoomiye ku-xigeenkii 1aad ee Gobolka Bari
April 9, 2021 - Written by EditorGuddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, oo ku hadlaaya magaciisa kan Maamulka Gobolka Bari Iyo Kan shacabka Gobolka ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta badneed ee ku timid Guddoomiye ku-xigeenkii 1aad ee Gobolka Bari Mudane Axmed Cali Cabdulaahi (Cirro) oo cawa ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.
Marxuumka ayaa ahaa nin in muddo ah ka soo shaqeeyay Horumarka Iyo Dowladdnimada Puntland gaar ahaan Gobolka Bari waxa uuna soo noqday Guddoomiye Ku-xigeen 1aad ee Gobolka Bari iyo Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Xaafuun ee Gobolka Bari allh ha u naxariisto waxa uu ahaa Ganacsade in muddo ah ka soo shaqeeyay isdhexgalka iyo nabada Gobolka Bari Iyo Dowladda Puntland.
Maamulka Gobolka Bari ayaa uga tacsiyeeynaya geeridda marxuumka eheladii, qoysaskiisi, ciyaalkiisi shacabka reer Puntland gaar ahaan Bulsho weynta Gobolka Bari Iyo Dowladda Puntland u ka geeriyooday Marxuumku waxa ayna alle uga baryeen in uu qabriga u waasiciyo Akhiirona janno fardowsa ka yeelo aamiin.
=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MAAMULKA GOBOLKA BARI.