Gudoomiyaha Midowga Musharraxiinta oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalda Muqdisho.[Video]
April 11, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Gudoomiyaha Midowga Musharraxiinta ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sh Shariif Sh Axmed ayaa caawa waxaa uu shir jaraa’id ku qabteen magaalada Muqdisho waxaan uu uga hadlen go’aan isla caawa ka soo baxay gudoonka golaha Baarlamaanka oo beri iskugu yeeray Xildhibaanada iyagoo sheegay in ay ka doodi doonaan Mooshin ku saabsan arrimaha Doorashooyinka Qaranka.
Gudoomiyaha Midowga Musharraxiinta ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa ku eedeeyey Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo uu ka soo baxay gogol ka fidsanay Afisyooni oo xal looga gaari karay arrimaha doorashooyinka siddii horay uga dhacday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gal-Mudug.
Gudoomiyaha Midowga Musharraxiinta ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sh Shariif Sh Axmed ayaa ka digay in lagu dhaqaaqo mudo kordhin axaan u ugu baaqay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya in ay u soo laabtaan Dastuurka dalka ee heshiiska lagu yahay dalka Soomaaliyana aysan geli xaalada mugdi ah oo aan laga soo celin karin.
Gudoomiyaha Midowga Musharraxiinta ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo la hadlaya saxaafadda ayaa yiri ” Hogaanka Dalka waxaan leenahay waa Ambateen ee soo noqo dalkaan ma qaadi karo mudo kordhin dhaqaale ahaan Siyaasad ahaan iyo Amni ahaan waa dal jilcan”
Shirkka Jaraaid ee Gudoomiyaha Midowga Musharraxiinta ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sh Shariif Sh Axmed ayaa ku soo begmay xili maalinta beri ah kulan loogu yeeray xildhibaanada dowladda federaalka Soomaaliya iyadoo looga doodi doono mooshin ka dhan ah arrimaha doorashooyinka.
A/cawaale
Halgan.net