Madaxweynaha Cali Guudlaawe oo ka tacsiyeeyay Xasuuqii ka dhacay wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar
April 14, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ku hadlaya Afka Golayaasha Dowladda iyo Shacbiga Hirshabelle ayaa ka tacsiyeeyay falkii bahalnimada ahaa ee kooxda argagixisada alshabab ku xasuuqeen Shacab Soomaaliyeed oo ku safrayay wadada xiriirisa Magaalooyinka Balcad iyo Jowhar.
Madaxweynaha ayaa tacsi u diray dhamaan qoysaskii iyo eheladii ay ka baxeen Marxuumiintaas isagoo amray hay’addaha Amniga ee Dowlada ay talaab ka qaadaan kooxaha Argagixisada ee u taagan xasuuqa Shacabka.
Ugu dambeyn Madxaweyne Cali Guudlaawe ayaa Alle uga baryay Shacabkii ku dhintay Wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar inuu Janatul Fardawsa ka waraabiyo, Ehelada, Asxaabta iyo Shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeena uu Samir iyo Iimaan Eebbe ka siiyo.
AAMIIN AAMIIN AAMIIN
18185 commentsLikeCommentShare