Madaxweynaha Dowladda Puntland oo ka tacsiyeyey geerida Guddoomiye Ku-xigeenkii koowaad ee gobolka Bari

April 9, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u Naxariistee Guddoomiye Ku-xigeenkii koowaad ee gobolka Bari Marxuum Axmed Cali Cabdullaahi (Cirro) oo ku geeriyoodey Muqdisho.
“Waxaan tiiraanyada iyo xanuunka geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Cirro la qaybsanayaa dhammaan shacabka Puntland ee Soomaaliyeed, Maamulka Gobolka Bari, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumku.
Marxuum Axmed Cali Cabdullaahi (Cirro) Guddoomiye Ku-xigeenkii Koowaad ee gobolka Bari, wuxuu ahaa masuul usoo shaqeeyay Puntland, wuxuu hore usoo noqday Guddoomiye ku-xigeenka degmada Xaafuun, sidoo kale wuxuu ahaa Ganacsade arrimaha Bulshada kasoo shaqeeyay, runtii waa tiir adag oo ka baxay Puntland, gaar ahaan gobolka Bari.
Waxaan Alle “SWC” uga baryayaa inuu hoy uga dhigo Jannatul Fardawsa, dembigiisana dhaafo, samir iyo iimaanna ka siiyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay. Aamiin”. Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
April 2021
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online