Madaxweyne Farmaajo oo soo dhaweeyey Qaraarka Golaha shacabka ee awoodda dib loogu celiyey shacabka Soomaaliyeed

April 12, 2021 - Written by Editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Sharciga Gaarka ah ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ka soo saareen jiheynta doorashooyinka heer Federaal, kaddib markii qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyadu ay curyaamiyeen Heshiiskii 17-ka Sebteembar ee Doorashooyinka dalka oo 26kii Sebteembar 2020 uu ansixiyey Baarlaamnka JFS.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay qaadaneyso doorka kaga aaddan fulinta sharcigan ay ansixiyeen Golaha Shacabka oo dalka u jiheynaya doorasho toos ah, dibna ugu soo celinaya Shacabka Soomaaliyeed xuquuqdooda dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan hoggaanka ay ku aaminayaan talada iyo masiirka qaranka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay dhexda u xirtaan sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen fursaddan taariikhiga ah, ugana qeyb qaadan lahaayeen geeddi socodka siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey saaxiibbada Soomaaliya ee dadaalka la garab taagan sidii loo sii xoojin lahaa hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka oo marxalado kala duwan soo maray.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey in hay’adaha Dowladda oo ka duulaya Dastuurka dalka, waajibaadka qaran ee ay wakiilka ka yihiin, curfiga diblumaasiga iyo mabaadi’da caalamiga ah in aysan aqbaleyn faragelinta shisheeye ee arrimaha masiiriga ah oo ay ugu horreyso doorashooyinka dalka oo ah arrimo ay u madaxbannaan yihiin shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta

Leave a comment

*

Archives
April 2021
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online