Midowga Yurub oo ka hadlay qaraarkii baarlamaanka Soomaaliya ee mudda kordhinta

April 13, 2021 - Written by Editor

Dalalka midowga Yurub ayaa waxay sheegeen in tallaabadii ay shalay baarlamaanka Soomaaliya muddo 2 sano ah xilka ugu kordhiyeen madaxwayne Farmaajo ay tahay mid minjaxaabinaysa dadaaladii socday ee doorashada.

Bayaan uu soo saaray wakiilka midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Josep Borrell ayaa lagu sheegay in tallaabada muudo kordhinta ay minjaxaabinayso taageerada midowga Yurub iyo beesha caalamka ee dib u dhiska Soomaaliya oo ku saleysnaa is-afgarad iyo isu tanaasul.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in midowga Yurub iyo guud ahaan beesha caalamka ay ku celceliyeen in aysan aqbali doonin wax muddo kordhin ah amaba doorashooyiin is barbar socda ama hal dhinac ah.

Midowga Yurub waxay sidoo kale sheegeen in muddo kordhinta baarlamaanka aysan ku jirin danta shacabka Soomaaliyeed.

Wakilka midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa waxaa uu ku baaqay in wadahadalada dib loogu soo laabto lana qabto doorasho iyada oo lagu saleynayo heshiiskii 17 September.

Ugu dambeyntii midowga Yurub ayaa waxay ka digeen in haddii aysan arrintaasi dhicin ay ka baaraandagi doonaan tallaabooyiin dheeraad ah oo ay qaadaan.

BBC Somali

Leave a comment

*

Archives
April 2021
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online