Puntland oo xukumo dil ah ku riday 8 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo dilal ka fuliyey Gaalkacyo.[Video/Masawiro]

April 21, 2021 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida iyo danbiyada Culus ee gobolladda Mudug iyo Cayn ayaa maanta waxaa ay xukun dil ah ku ridey ilaa 5 xubnood oo ka mid ah ururka Al-shabaab kuwaaas oo dilay haldoorkii iyo labeentii magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Xubnaha ay Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida iyo danbiyada culus ee gobolladda Mudug iyo Cayn ay xukunka ku riday ayaa waxaa ka mid ah:-

1- Faysal Ahmed Bashiir Ali Kujis ——– 31 jir ah shaqadiisu waa Faryaamo.

2- Sahal Cabdullaahi Mohamed Jaamac ——- 32 jir ah Shaqadiisa waa Darwal.

3- Idirs Mohamed Afyare 25 jir ah ———- Shaqadiisu waa Dukaanle.

4- Salmaan Mohamuud al faarisi 26 jir ah ——- Shaqadiisu waa Foorno-Rootile.

5- Jaamac Muriidi Xuseen 20 jir ah ——- Shaqadiisu waa Bajaajle
Waxaa kale oo ay Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida iyo danbiyada Culus ee goboladda Mudug iyo Cayn dil ku xukuntay 3 xubnood oo kale oo ka tirsan ururka Al-shabaab oo dilal kale duwan ka geystay xaafada ee magalada Gaalkacyo. Eedysanayaasha la xukumay ayaa kala ah:-

1- Maxamed Cabdi Raage Indhabuur.

2- Cabdirisaaq Axmed Buraale.

3- Maxamed Cumar Muudey.
Dhinac kale Maxkamadda ciidamadda qalabka sida ee Puntland ayaa sii daysay shalay ilaa 13 Eedeysane oo ay sheegtay in lagu waayay wax dambi ah kadib markey dhageysatey dacwadooda labadii maalmood ee lasoo dhaafey.

13 ruux ee maxkamaddu sii deysay laamaha amnigu waxay muddo u hayeen kiisas la xidhiidha Al-shababnino.

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida iyo danbiyada Culus ee goboladda Mudug iyo Cayn ayaa sidoo kale maalmaha soo socda u fadhisan doonto Eedeysanayaal kale oo ka tisan Al-shabaab oo loo haysto in ay dilal iyo qaraxyo kale duwan ay ka geysteen xaafaddaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2021
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online