War-saxaafadeedka beesha caalamka ee muddo kororsiga dowladda Soomaaliya

April 14, 2021 - Written by Editor

Muqdisho – Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Kanada, Danmark, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka IGAD, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Spain, Sweden, Switzerland, Boqortooyada Ingiriiska, Mareykanka, iyo Qaramada Midoobay waxay aad uga walaacsanyihiin meelmarinta 12kii Abriil uu Golaha Shacabka meelmariyay qaraar lagu bedelayo heshiiskii 17kii Sebtember, qaraarkaas oo xambaarsan geedi-socod doorasho oo ay ka dhalan doonto muddo kordhin dheeri ah oo ku timaadda muddo xileedkii loo igmaday Madaxweynaha iyo Baarlamaanka.

Waxaan si isdaba joog ah u sheegnay in aan la taageeri doonin geeddi-socod siyaasadeed oo is barbar socda, doorashooyin aan loo dhamayn, ama dadaallo cusub oo keenaya kordhinta muddo xileedkii hore.

Qaraarka 12kii Abriil wuxuu wiiqayaa nabadda, amniga, iyo xasilloonida Soomaaliya iyo meelo ka baxsan. Qaraarkan ayaa sidoo kale sii daahin doona qabashada doorashooyin lagu kalsoonaan karo kuwaas oo ay sugayeen dadka Soomaaliyeed.

Waxaan ku qanacsannahay in hirgelinta heshiiskii 17kii Sebtember uu yahay hanaanka ugu wanaagsan ee waxqabad ee la heli karo sidaa darteed, waxaan ku boorinaynaa madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka inay si dhakhso leh ugu soo laabtaan wadahadallada si loogu heshiiyo habka hawsha horey loogusii wedi lahaa. Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay aad isu xakameeyaan, ayna sii wadaan wadahadalka, iskana ilaaliyaan ficillada halka dhinac ah ee kicin kara xiisadaha.

Waxaan diyaar u nahay inaan bixinno adeegyada dhexdhexaadinta si loo fududeeyo loona soo nooleeyo wadahadal loo dhan yahay oo ku saleysan heshiiskii 17kii Sebtember.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2021
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online