Wasiirka amniga iyo Maaliyada Puntland oo kormeer shaqo ku tegay xarumaha dowladda ee Gaalkacyo.[Video/Masawiro]
April 11, 2021 - Written by EditorGaalkacyo:-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi iyo Wasiirka Wasaradda Amniga Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa kormeer shaqo ku tagey xarumaha Dowladda Puntland ee magaalada Gaalkacyo.
Kormeerkan shaqo Wasiiradda waxaa ku weheliyay Guddoomiyaha gobolka Mudug Sanyare Muuse Nuur, Duqa degmada Gaalkacyo Eng. Maxamuud Cabdi iyo Taliyaha qaybta Booliska gobolka G/Sare Muumin Cabdi Shire.
Xarumaha ay Madaxdu kormeereen waxaa ka mid ahaa dhismaha xarunta gobolka oo ay ka socoto soo afmeerida dhismaha gobolka, Taliska qeybta iyo xarunta degmada, waxaana ay dhagax dhigeen labo waddo oo laami ah kuwaasi oo laga hirgelin doono magaalada Gaalkacyo.
Mas’uuliyiinta Dowladda ayaa soo dhex maray wadooyinka waawayn ee magaalada si ay wax badan uga ogaadaan xaalada guud ee gobolka gaar ahaan dhanka Amniga, waxana uu ahaa mid aad u wanaagsan.
no images were found
Baahintii
Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland