Gudoomiyaha Gobolka Mudug “Al-shabaab ma leh qabiil iyo Ehelnimo.”[Video]
July 20, 2021 - Written by EditorGaalkacyo:-Gudoomiyaaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa saaka Salaada Ciida Shacabka Magaalada Gaalkacyo kula tukaday Garoonka kubada cagtaa ee Cawaale.
Gudoomiyaaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa mar kale ku celiyey in xubnaha amniyaadka Al-shabaab aysan lahayn walaalnimo, Ehelnimo iyo qabiil cid ay gooni u u gaarsanayaan qabiil ahaan aysan jirin gobolka Mudugna cid walba oo Soomaali ah baa ku nool kuna noolaan karta.
Gudoomiyaaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa xusay in xubnaha Al-shabaab ay lagu toogtay Gobolka Mudug ay ku soo qabteen xog rasm ah ka dibna la marsiiyey laamaha garsoorka kuwii lagu hellay danbiyo dilal iyo qaraxyo la togtay halka qaar kalena la sii daayey.
Gudoomiyaaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa ugu baaqay culimada Gobolka Mudug in ay xaqa cadeeyaan oo kuwa dilalka iyo qaraxyada ku laayey haldoorkii Gobolka Mudug in ay ka hadlaan oo ay iska daayaan cabsida.
Gudoomiyaaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur oo salaadii ciida ka dib khudbada ka jeediyey ayaa sheegay in ay talaabo adag ka qaadi doonaa cid walba oo la shaqaysata Al-shabaab waxaaan uu u diga waalidiinta aan caruurtooda war u ahayn isagoo ku booriyey in ay caruurtooda la socdaan inta aysan gelin gacanta Ciidanka amniga haddii ay galaan oo danbi lagu qabtan aysan aysan ka daba imaan karin.
Hoos ka Daawo khudbadii Ciida ee Gudoomiyaaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur
M_M_Deeq
Halgan.net