Madaxweynaha Gal-Mudug oo kormeeray goobihii laga xoreeyay Kooxaha Al-shabaab.[Masawiro]

July 22, 2021 - Written by Editor

Camaara:-Madaxweynaha Gal-Mudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta kormeer ku tagay goobihii laga xoreeyay kooxaha argagaxisada ah ee Shabaab. Madaxweynaha ayaa safar dheer oo dhulka ah kaga ambabaxay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug asagoona gaaray galinkii hore ee maanta magaalada Wisil ee Gobolka Mudug.

Saraakiisha ciidamada qalabka sida ee howlgalada ka wada halkaas ayaa madaxweynaha kusoo dhaweeyay wisil asagoona halkaas warbixin kaga dhageystay.

Madaxweynaha oo safarkiisa sii wata ayaa kormeer ku sii maray deegaano ka tirsan Bacadweyne asagoona ugu danbeyntii tagay Degmada Bacadweyne oo ciidamada qalabka sidda ay dhawaan ka xoreeyeen kooxaha khawaarijta ah ee nabaddiidka ah.

Madaxweynaha oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga Galmudug iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida ayaa galinkii danbe ee maanta kormeerkiisa ku soo afmeeray Degmada Camaara iyo deeganada hoos yimaada oo dhawaan laga sifeeyay kooxaha Nabaddiidka ah.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2021
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online