Madaxweynaha JFS oo bogaadiyey Shacabka Soomaaliyeed sidda ay u weyneeyeen Todobaadka Xorriyada[Video]

July 1, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo khudbad ku aaddan 1-da luuliyo u jeediyey Shacabka Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey sida ay u weyneeyeen, uguna dabbaal-degeen 61-guurada ka soo wareegtay Xornimada Gobollada dalka iyo Midowga labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ee gumeystuhu uu kala qeybiyey.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay taariikhda halgankii dadka Soomaaliyeed ay u soo mareen midnimada iyo gobanimada dalkeenna, iyadoo ay hoggaaminayeen dadaalkaas dhallinyaro naftooda u huray sidii ay inoo dhaxalsiin lahaayeen dowladnimo, mustaqbal wanaagsan iyo xaqiijinta hiigsiga dadka Soomaaliyeed.

“Dalkan waxaa isku hayey labo aragtiyood xilligii gumeystaha, waxa ayna kala ahaayeen qabyaaladda iyo Waddaniyadda, waxaana guuleystay waddaniyadda oo dhalisay gobanimo, midnimo, dowladnimo, sharaf iyo qarannimo buuxda, taas oo ku timid naf-hurnimada halgameyaashii Soomaaliyeed ee ka adkaaday afkaartii gumeystaha. Maantana wali waa ay nooshahay aragatida waddaniyadda.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay in ay ku fara adeygaan midnimada, wadajirka iyo qarannimadooda oo ah tan kaliya ay kula tartami karaan dhiggooda caalamka isaga oo u tusaaleeyay dhibaatooyinkii laga dhaxlay qaran jabkii nagu dhacay oo ay sababtay qabyaaladda iyo kala qeybsanaanta shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabaddan waxa ka soo qeyb galay Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BFS Ahna Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Mudane Cabdiweli Ibraahim Muudeey, Ra’isul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Wasiirro, Xildhibaanno, Ra’iisul Wasaarihii hore Mudane Maxamed Cabdi Yusuf, dhallinyaro, Haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
July 2021
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online