Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ka warbixiye dagaalo ay kula jiraan Al-shabaab.[Dhagayso]
July 19, 2021 - Written by EditorCamaara:-Wararka ka imaanaya Koonfurta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in ay ka socdaan dagaalo u dhexeeya Ciidmaada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidmaada Gal-Mudug iyo kuwa Al-shabaab, deegaanada dagaalada ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Bacaadweyn iyo Camaara.
Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ka mid ah Saraakiisha hogaaminaysa Ciidmaada Gal-Mudug ayaa saxaafadda u sheegay in ay Al-shabaab dhib badan u geysteen deegaanada Koonfurta Mudug gaar ahaan deegaanka Bacaadweyne iyo Camaara oo ay haysteen dadku uu ka barakacay wax horumar ahna aan ka jirin.
Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ugu baaqay shacabka Gal_mudug iyo Soomaali oo dhan in ay dagaal kala hortagaan Al-shabaab gacana lagu siiyo howl galka ay doonayaan in ay Koonfurta Gobolka Mudug uga sifeeyaan Al-shabaab.
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliyeed iyo kuwa daraawiishta Galmudug ayaa la wareegay magaalada Camaara ee koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo ay isaga baxeen kooxda Al-Shabaab oo in mudo ah gacanta ku hayey deegaanka Camaara.
A/cawaale
Halgan.net