Beesha Caalamka oo ku booriyey Madaxda Soomaalida inay yareeyaan Xiisadaha Siyaasadda oo ay Diiradda Saaraan Hanaanka Doorashadda

September 7, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Saaxiibada Beesha Caalamku* waxay ka walaacsan yihiin in muranka ku gedaaman waayitaanka Marwo Ikraan Tahliil Faarax uu abuurayo xiisado siyaasadeed oo saamayn ku yeelan kara habsami u socodka shaqada Dowladda Federaalka Soomaaliya carqaladeyn karana hannaanka doorashada.

Waxaan ku boorineynaa madaxda Soomaalida inay dejiyaan iska horimaadka siyaasadeed ee ku gedaaman baaritaankan, gaar ahaanna ay ka fogaadaan fal kasta oo horseedi kara rabshado. Waxaan ugu baaqeynaa madaxda Soomaaliya inay ka wada shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa hirgelinta Heshiiskii 27-kii bishii Maajo ee ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka, iyagoo garwaaqsan horumarka ilaa iyo hadda ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka oo hoos yimaada hoggaaminta wax ku oolka ah ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Waxaan sii wadaynaa xiriirka aan la yeelano madax Soomaaliyeed oo badan si aan ugu boorinno in si degdeg ah loo xalliyo khilaafkan, oo ay ku jirto baaritaan lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan waayitaanka Ikraan iyo dhammaystirka geeddi socodka doorashada iyada oo aan dib u dhac kale dhicin.

* Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Netherland, Norway, Poland, Qatar, Ruushka, Iswiidhan, Iswisarland, Boqortooyada Ingiriiska, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

Leave a comment

*

Archives
September 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online