Lix Senator oo ka mid ah Aqalka Sare oo maanta lagu doortay Muqdisho.[Dhagayso]

September 29, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Lix kursi oo ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee Soomaaliya ee kasoo galaya S/lanad ayaa maanta lagu doortay Muqdisho, ayada oo Cabdi Xaashi Cabdullaahi, guddoomiyaha Aqalka Sare uu noqday Senator-kii ugu horreeyayay ee la doortay kadib markii uu u tanaasulay musharraxii la tartamayay oo ahaa Siciid Cumar Xuseen.

Guddoomiyaha guddiga doorashada gobollada Waqooyi Khadar Xariir Xuseen ayaa ergada u gudbiyay inay si gaca ntaag ah ugu codeeyaan, sida uu qabo habraaca doorashada, waxaana ansixiyay 44, halka laba ka mid ah ka aamuseen, waxaana natiijadani ka dhigantahay in mar kale dib loo doortay Cabdi Xaashi oo afartii sano ee la soo dhaafa ahaa gudoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirka Dastuurka Soomalaiya Saalax Axmed Jaamac ayaa ku guuleystay Kursiga 2-aad, isaga oo helay 29, halka Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare eee Soomaaliya Ibrahim Iidle Suleymaan oo la tartamay uu helay 12 cod.

Dhinaca kale, Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa ku guuleystay kursiga saddexaad, isaga oo ka guuleystay Prof. Maxamed Maxamuud Allabari iyo Cabdiraxmaan Cismaan Cali oo la tartamay.

Cabdiraxmaan Cismaan Cali ayaa ku haray wareegga koowaad, waxaana Wareega labaad isugu haray Prof. Cabdi Ismaacil Samatar iyo Prof. Maxamed Maxamuud Allabari, ayada Prof Samatar uu ku guuleystay 25 cod, halka Allabari uu helay 21 Cod.

Kursiga afaraad ayaa waxaa ku guuleystay wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbeooka adkaaday Cabdikariin Maxamed Xasan, isaga oo helay 28 cod, halka uu Cabdikariin Maxamed Xasan helay 17 cod.

Labada kursi ee kale ayaa waxaa ku guuleystay Layla Axmed Ismaaciil iyo Bilaal Idiris Cabdullaahi.

Hoos ka Dhagayso Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray Cabdicasiis Barrow.

VOA

Leave a comment

*

Archives
September 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online