Madaxweynaha Hirshabeelle oo baaq nabadeed u diray beelo walaalo ah oo dagaalamay

September 6, 2021 - Written by Editor

Jowhar:-Madaxweynaha Dowlada Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanka kabxanlay ee waqooyiga Magaalada Beleddweyne.

Madaxweynaha ayaa nasiib darro ku tilmaamay in xilligan uu daato dhiig dad walaalo ah waxa uuna dhinacyada dirirta u dhaxeyso ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan dagaalka ku joojiyaan, islamarkaana wax walba ku xaliyaan wadahadal.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Maamulka Gobolka, Hay’addaha Amniga, Nabadoonada, Waxgaradka iyo Culuma’udiinta Gobolka Hiiraan in si deg deg ah ay ugu baxaan joojinta colaada beelaha walaalaha ah.

– DHAMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA HIRSHABEELLE

Leave a comment

*

Archives
September 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online