Madaxweynaha JFS oo qaabilay wafdi heer sare ah oo ka tirsan Qaramada Midoobey.[Masawiro]

September 12, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka tirsan Qaramada Midoobey oo ay hoggaamineysay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Marwo Aamina Jane Maxamed.

Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka wadahadlay arrimaha horumarinta bulshada (SDG), xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya, dhammeystirka doorashooyinka dalka, awoodsiinta siyaasadeed ee haweenka iyo sidii loo dardargelin lahaa howlaha hortebinta u leh Shacabka Soomaaliyeed.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka mid ah dalal dhowr ah oo ka tirsan Gobolka oo ay socdaal ku marayso Kuxigeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa waxa ay ku bogaadisay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed horumarka ay ka xaqiijiyeen dhinacyada dib u dhiska ciidamada, amniga, hannaanka dayn cafinta, koboca dhaqaalaha, la dagaallanka Musuq-maasaqa iyo la tacaalidda cudurka saf mar ah ee COVID-19.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Aamina Jane Maxamed sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo hirgelinta xeerarka aas-aaska u ah dowlad wanaagga, waxa uuna uga mahadceliyey Qaramada Midoobay taageerada ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka waxa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Xasan Macallin Khaliif iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka Mudane Cabdi Cali Raage, dhanka kale waxaa goob-joog ka ahaa Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Mudane James Swan.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
September 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online