Madaxweynaha Puntland oo warbixin ka dhagaystay Guddiga Amniga Gobolka Mudug ee Puntland.[Masawiro]

September 9, 2021 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Gaalkacyo ayaa caawa warbixinta amniga ee Gobolka Mudug ka dhegaystay Guddiga Amniga Gobolka Mudug ee Puntland.

Guddiga ayaa la wadaagay Madaxweynaha warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda Gobolka, horumarada laga sameeyay dhinaca amniga oo Dowladdu guulo ka gaartay iyo qorsheyaasha Amni ee diyaarsan.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee laga qabtay Gobolka oo isbedelkeedu uu ka muuqdo guud ahaan Gobolka, wuxuuna laamaha amniga faray in lasii dardargeliyo Howlaha Amni ee socda.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur, Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo Mudane Eng Maxamuud Cabdinuur Aaden iyo Saraakiisha laamaha amniga. Waxaa Madaxwdeynaha ku weheliyay Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda ee Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad iyo Mudane Xasan Shire Cabdi.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
September 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online