Madaxweyne Farmaajo oo umagacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Lataliyaha Amniga Qaranka Fahad Yasin iyo Kusimaha HNSQ.[VIDEO]

September 7, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaan siinaya darda-gelinta, horumarinta iyo joogtaynta hawlaha baaxadda leh ee horyaalla hay’adaha amniga, waxa uu Xeer Madaxweyne ku soo saaray qodobadan;
1. Madaxweynaha wuxuu aqbalay istiqaalada uu usoo gudbiyay Agaasimahaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (HNSQ) Mudane Fahad Yaasiin, isagoo ku bogaadiyay shaqadii wanaagsanayd ee uu ka qabtay dib u habeynta Hay’adda.
2. Madaxweynaha Farmaajo ayaa u magacaabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo haatan ah Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir, in uu si kumeel gaar ah u hoggaamiyo Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka inta laga soo magacaabayo taliye cusub oo ku yimaada hab waafaqsan sharciga iyo Dastuurka KMG ee dalka.
3. Madaxweynaha ayaa u magacaabay Mudane Cabdisaciid Muuse Cali inuu noqdo Agaasimahga Guud ee Madaxtooyada Qaranka, waxa uuna ku ammaanay shaqada hufan ee uu kasoo qabtay taabbo-gelinta siyaasadda Amniga Qaranka.
4. Madaxweynaha ayaa sidoo kale u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin Xilka La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu isugu yeerayaa kulan ay yeelanayaan Guddiga Amniga Qaranka 18ka Sebteembar 2021, si Guddiga looga horjeediyo warbixinta laga dalbaday Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
September 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online