Madaxweyne Ku xigeenka DGPL dhaggax dhigay dayactir lagu sameynayo Buundooyinka wadada u dhexaysa Garoowe iyo Sin-u-jiif.[Video/Masawiro]

September 20, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa dhaggax dhigay dayactir lagu sameynayo Buundooyinka wadada u dhexaysa Garoowe iyo Sin-u-jiif.

Qeybta dayactirka lagu sameynayo Wadadan waxaa ku jira 56 Buundo oo isugu jira kuwo yaryar iyo waaweyn, Munaasabadda dhaggax dhiga waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha Howlaha Guud, Qorsheynta , Maaliyadda , Saraakiil Madaxtooyo iyo Shirkada dhismaha fulinaysa.

Ugu danbeyn Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa booqasho ku tegay magaalada Sin-u-jiif halkaasi oo uu inta uu joogay uu wakhti kula qaatay bulshada magaalada.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

262,886 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>