Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo dhaggax dhigay waddada isku xirta Jalam iyo degmada Xarfo.[Masawiro/Video]

September 15, 2021 - Written by Editor

Buurtinle:-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo safar shaqo maanta ku tegey Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal ayaa dhaggax dhigay Mashruuca dib-u-dhiska waddada isku xirta magaalada Jalam iyo degmada Xarfo.

Mashruuca dib-u-dhiska Waddada Jalam-Xarfo waxaa iska kaashanaya Dowladda Puntland iyo Midowga Europe, wejiga koowaad ee la dhisaya waa 65KM taasi oo qorshuhu yahay in lagu dhameystiro muddo 8Bilood ah .

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa muujiyay muhiimada ay wadadan u leedahay isku xirka Gobolada Puntland, wuxuuna kormeeray Shirkadda dhiseysa isagoo warbixin ka dhegaystay Wasaaradda Howlaha Guud iyo Masuuliyiinta gacanta ku haynaya dhismaha wadada inta uu socdo.

no images were found

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
September 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online