PL oo heshiis la gashay Shirkadaha Albaashi, Kebarco oo ka mid ah shirkadaha ka hawlgala Deegaanada Puntland.
September 19, 2021 - Written by EditorGaroowe:-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland Mudane, Axmed Bashiir Muuse ( Cirro) oo uu wehliyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda DPL Mudane, Xassan Shire Abgaal ayaa heshiis la gashay Shirkadaha Albaashi, Ceeldaahir iyo Kebarco oo ka mid ah shirkadaha ka hawlgala Deegaanada Puntland.
Heshiiska Dawladda Puntland iyo shirkadaha Wasaaradda Qorsheynta, Wasiir ku xigeenka Iyo Wasiiru Dawlaha Maaliyadda, Guddoomiyaha Bangiga iyo Xisaabiyaha Guud ee Dowladda.
Heshiiska shirkadaha lala galay ayaa salka ku haya dib u dayactirka Waddooyinka kala ah.
1- Waddada Midi-gar.
2- Buundada Qayaadsame
3- Waddada kalabayr Boosaaso Iyo sideed Buundo oo u dhexeeya Garoowe iyo birta dheer.
Dawladda Puntland ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ay ka go’an tahay dib u dhiska Waddooyinka, shaqadaan maanta la qabtayna ay ka mid tahay balanqadkii Madaxweynaha.
Dawladda Puntland ayaa bixisay dhammaan lacagihii lagu bilaabayey dhismaha Waddooyinkan oo ay Dawladdu ku wareejisay shirkadaha ka hawl galaya.
Saddex cishe ka dib ayaa sidaan oo kale loo saxiixi doona heshiiska waddada Falayryaale iyo Garoowe oo dib u dhis lagu samaynayo.
no images were found
DHAMMAAD