Ra’iisul Wasaaraha XFS oo amar dul dhigay Wasaarada Maaliyada
September 12, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa waxaa lagu amaray in aan wax lacag ah laga bixin lacagta Hey’adda IMF ee qoondada Dowladda Federaalka ee loo yaqaan SDRs, iyadoo aan wax ogolaansho laga helin Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya wareegtada ka soo baxday waxaa wasaaarada maaliyada la faray in mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha, raashinka ciidamada, mashaariicda iyo wixii kale ee kharash lagama maar-maan u ah adeega dowladda waa in ay marka mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda waajibaadkooda shaqo ka gutaan ay ogolaansho ka helaan Ra’iisul Wasaaraha, inta aan la bixin wax lacag ah.
no images were found
A/cawaale
Halgan.net