Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka.[Masawiro]
September 16, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Guddodomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, kaas oo looga Arrinsanayay u diyaar garowga doorashada xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi (Somaliland) iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha loogu soo gudbiyo liiska musharaxiinta Aqalka Sare.
Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Mudane Baashi Yuusuf Axmed
no images were found
Dhinac kale Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga shir kula yeeshay wasiirka horumarinta Sweden Per Olsson Fridh oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimaha doorashooyinka dalka. Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galay safiirka cusub ee Sweden u fadhiya Soomaaliya oo maanta uu Ra’iisul Wasaaruhu xafiiskiisa ku qaabilay.
no images were found
A/cawaale
Halgan.net