Ra’isul Wasaaraha JFS oo u tacsiyeeyey dadkii ku dhintay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

September 25, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Wasiiru- dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xoghayaha joogtada ah ee XRW, Agaasimeyaasha iyo guud ahaan howl wadeennada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, ehelada iyo asxaabtii ay ka geeriyootay Allaha u naxariistee Hibaaq Abuukar Xasan oo ka mid ahayd la taliyeyaasha arrimaha haweenka iyo xuquuqul insaanka ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku geeriyootay qaraxii argagixisadu maanta ka geysteen Muqdisho.

Hibaaq waxa ay ahayd gabar dhallinyaro ah oo firfircoon, howlkar ah, kuna sifowday daacadnimo iyo dal jaceyl. Jannadii Firdowso Allaha ka waraabiyo marxuumadda Samir iyo Iimaanna Allaha naga wada siiyo.
إنا لله وإنا إليه راجعون

A/cawaale
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

267,817 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>