Beesha Caalamka oo war ka soo saartay xaalada Soomaaliya.

December 27, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Saaxiibada beesha caalamku* waxay iyagoo aad uga walaacsan si dhow ula socdaan xaaladda taagan iyo waxyaabaha ku soo kordhay siyaasadda. Waxaan madaxda Soomaaliya ugu baaqaynaa inay danta dalka ka hormariyaan wax walba, ayna dejiyaan xiisadda siyaasadeed ee kacsan, iyo inay ka joogsadaan daandaansiga ama adeegsiga xoogga oo wiiqi kara nabadda iyo xasilloonida.

Saaxiibada beesha caalamku waxayn marar badan ku celceliyeen walaac isa soo taraya ay ka muujiyeen wax isdaba marin xagga habraaca iyo dib u dhaca hannaanka doorashada Soomaaliya. Waxa lagama maarmaan ah in degdeg ah loo hirgeliyo heshiisyadii 17 Sebtembar 2020 iyo 27 May 2021, ee saldhigga u ah doorashooyinka iyadoo aan lagu sameyn wax carqalad dheeri ah.

Kulan ay yeeshaan Golaha Wadatashiga Qaran sida ugu dhakhsiyaha, oo ay weheliyaan wadtashiyada kale ee dhexmaraya saamilleyda muhimka ah, ayaa si degdeg ah loogu baahan yahay si loo dardargeliyo loona hagaajiyo geedi socodka, doorashadana loogu soo gunaanado si degdeg ah oo lagu kalsoonaan karo, taasoo heli doonta kalsoonida dadka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka Beesha Caalamka.

*Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Holand, Norway, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

Leave a comment

*

Archives
December 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online