Cutubyo ka tirsan Booliska Gobolka Mudug oo ku raad jooga Cabtooy xalay rasaas ku furtay Ciidanka amniga ee Gobolka Mudug
December 20, 2021 - Written by EditorGaalkacyo:-Cutubyo ka tirsan booliska Gobolka Mudug ee dowlada Puntland oo qeyb ka ahaa hawlgalka dowladdu kula dagaalamayso caadeystayaasha sida dhuumashada uga ganacsada daroogada ayaa maanta gaadhey deegaano ka tirsan Gobolka,waxayna ku raad joogaan firxadka shaqsiyaad ka mid ah kooxdii xalay ciidamada amaanku ay ku beegsadeen hawl-galkii laga sameeyay gudaha magaalada Gaalkacyo.
Tiro dhawr ah oo ka mid ahayd haraadiga qaswadayaasha sida dhuumashada uga ganacsada daroogada waxaa haatan laga baadi goobayaa deegaano ku yaala xuduudka ay wadaagaan dowladda iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya,waxaana ka mid ah deegaanada maanta ciidanka boolisku gaadhey Daaru-salaam,Riig Oomane iyo Deegaano kale.
Dhamaan waxaa lagu wergalinayaa dadweynaha inay kala shaqeeyaan ciidanka booliska soo qabashada shaqsiyaadka islamarkaana qof kasta oo macluumaad ka haya uu lasoo xidhiidho saraakiisha laamaha Amniga Gobolka Mudug.
M_M_Deeq
Halgan.net