Golaha Wasiirrada oo taageeray Shirka Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka.[Video]

December 30, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay uga hadleen arrimo muhiim oo khuseeya xaaladda dalka ,siyaasadda, amniga iyo doorashooyinka dalka.

Golaha ayaa cambaareeyay isku daygii afgambigii fashilmay ee 27ka December lagu soo qaaday Xarunta Gollaha Wasiirada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyaga oo muujiyay sida ay uga xun yihiin falkaas.

Golaha Wasiirrada ayaa isku raacay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo cidii ku lugta lahayd duullaankii lagu qaaday hey’adaha dastuuriga ee dalka ,isaga oo Ra’iisul Wasaaruhu uu soo magacaabi dooni guddi ka kooban 5 xubnood oo baaris dhameystiran ku sameeya sidii ay wax u dhaceen.

Gollaha Wasiirada waxa kale uu ansixiyay Xisaab Xirka miisaaniyadda dowladda ee 2020kii. Waxa kale la ayiday qorshaha sugidda amniga caasimadda oo ay soo bandhigtay Wasaaradda Amniga Gudaha kaas oo faraya in la sameeyo ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida.

Waxa shirka Gollaha Wasiirada looga mahad celiyay taageerada Xukuumadda ee Beesha Caalamka iyo hogaaminta Ra’iisul Wasaaruha ee doorashooyinkia iyo Shirka Gollaha Wadatashiga Qaranka ee uu Ra’iisul Wasaaruhu ku dhawaaqay.

Shirka oo uu guddoomiyey R’iisil Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa kale oo laga hadlay arimaha abaaraha iyo cudurka COVID-19.

—-DHAMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
December 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online