Gudoomiyaha Gobolka Bari oo shir jaraa’id uu qabtay uga hadlay xaalada magaalada Boosaaso.[Masawiro/Video]

December 2, 2021 - Written by Editor

Boosaaso:- Guddoomiyaha Gobolka Bari Ahna Guddoomiyaha Guddigga amniga Gobolka Mudane Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta shir guddoomiyey shirka amniga Gobolka Bari ee Todobaadlaha ah. Shirka ayaa Todobaadkan waxa looga hadlay xaallada guud ee amniga Gobolka Bari iyo amniga magaalada Bosaaso waxaana laga soo saaray qodobo muhiim ah.
1- Guud ahaan ciidamada amaanka ayaa laga bilaabo maanta waxa ay how-gallo ka fulin doonnan guud ahaan xaafaddaha magaalada Bosaaso.
2- Ciidan aan how-gal amni ku jirrin oo hubeeysan inaan lagu arrki karrin magaalada gudaheedda.
3- Guddigga amnigu waxa uu si gaar ah ulla-socddaa dadka caadeystay fallaalka kicinta iyo been-abuurka lagu kicinayo amniga bulshada waxaana lagu qaban doonaa gacan adag. Shirka ayaa waxa ka soo qeyb galay dhammaan guddiga aminga Gobolka Bari.

Guddoomiye Mudane Senator Cabdisamad Abwaan, ayaa markii uu soo dhammaaday shirku ka warbixiyey qodobaddii looga hadlay shirka waxa uuna adkeeyey in laga shaqeeyo nabad-galyada iyo xasiloonida Gobolka iyo magaalada Bosaaso qof waliba masuuliyada ka saaran tahay.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MAAMULKA GOBOLKA BARI.

Leave a comment

*

Archives
December 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online