Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo shir gudoomiyey shiraan caadi ahayn oo looga hadlay amniga Gobolka Mudug.[Video]
December 20, 2021 - Written by EditorGaalkacyo:-Gudoomiyaha Gobolka Mudug ahna Gudoomiyaha Gudiga Amniga Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa waxaa saaka uu shir gudoomiyey Shir aan caadi ahayn oo looga hadlayey Amniga Gobolka Mudug.
Shirkan Waxaa ka soo qayb galay Gudoomiye ku xigeenka Degmada Gaalkacyo, Taliyaha Qaybta Gobolka Mudug, Taliyaha Aaga ciidanka Daraawishta Gobolka Mudug, Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Gobolada Mudug iyo Cayn, Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka, Xeerilaalinta iyo Garsoorayaal.
no images were found
Intii uu shirku socday ayaa la isla gartay in la sii dar-dargaliyo sugista iyo adkayn Amniga iyo la dagaalanka Maandooriyaha lana joogteeyo Howlgalada lagu la dagaalamayo, in Wax kasta oo ku saabsan Arimaha isku haysashada Dhulalka ay gali karto oo kaliya Gudiga Xalinta khilaafadka Dhulalka Dowladda Hoose ee Gaalkacyo iyo in cagaf cagaf aan haysan Aqoonsi aysan iska Qodi karin Dhulalka.
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA WARBAAHINTA MAAMULKA GOBOLKA MUDUG