Madaxweynaha Dowladda Puntland oo daahfuray Hay’adda Maareynta macluumaadka Kheyraadka Biyaha iyo Dhulka Puntland.[Masawiro]

December 6, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa waxaa uu maanta daah-furay howlgelinta Hay’adda Maareynta macluumaadka Kheyraadka Biyaha iyo Dhulka Puntland. Xaruntan ayaa ka shaqeyn doonta ururinta xogaha ku saabsan Biyaha sida roobabka, daadadka, saadaalinta cimilada, soo jeedimaha la xiriira maareynta masiibooyinka dabiiciga ah sida duufaanta, Abaaraha iyo daadadka.

Waa xaruntii ugu horeysay oo nooceeda laga hirgeliyo Soomaaliya, waxaana hadda laga soo wareejiyay Dalka Kenya halkaasi oo xarun u ahayd. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan ee la qabtay, Wuxuuna sheegay in sidoo kale xarunta ay ka faa’iideysan doonaan dhammaan maamulada iyo dadka Soomaaliyeed, isagoo muujiyay in Soomaaliya ay soo kabanayso ayna muhimtahay in ay lasoo wareegto xarumaha noocan oo kale ah ee banaanka uga maqnaa.

Hay’adda Maareynta macluumaadka Kheyraadka Biyaha iyo Dhulka Puntland, ee maanta shaqo bilowday waxaa ui Madaxweyne Deni dhaggax dhigay Bishii 3-aad 2019.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
December 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online