Madaxweynaha dowladda Puntland oo la kulmay wafdigii Issimada ee uu Hogaaminaye Islaan Bashiir Islaan Cabdulle
December 26, 2021 - Written by EditorGaroowe: -Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Isimada Gobolka Mudug oo uu hoggaaminayo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle.
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Issimada Gobolka Mudug oo uu hogaaminayey Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ayaa ka wada hadlay qaabka ugu sahlan ama ugu haboon ee loo soo afjari karo dhibaatadii ka dhacday magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Madaxweyne Deni ayaa Issimada uga mahad celiyey socdaalkooda iyo dadaalka dheer ay mar walba Issimadu ku u bixiyaa ka shaqaynta nabad gelyada.
Kulamo goono gooni ah ayaa la filayaa in maalmaha ka qabsoomaan Madaxtooyada Garoowe kulamadaas oo dhex mari doono Issimada Dhaqanka Puntland , Siyaasiyiin Caan ah iyo ,masuuliyiinta dowladda Puntland.
no images were found
M_M_Deeq
Halgan.net