Madaxweynaha Dowladda Puntland oo safar shaqo ku tegay degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal.[Video]
December 1, 2021 - Written by EditorMadaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la qaatay Masuuliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal.
Kulanka oo ahaa is-xogwareysi ayaa Madaxweynuhu warbixin uga dhegaystay qeybaha kala duwan ee Bulshada oo Madaxweynaha uga mahadceliyay waxaqabadka taabagalay ee uu Puntland ka hirgeliyay sida Dhismaha Ciidamada, Hirgelinta Dimuqraadiyadda, dib-u-habeynta maaliyadda iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.
Madaxweynaha ayaa Bulshada degmada Buurtinle ku boggaadiyay dadaalkooda ku aadan ka qeyb qaadashada dowladnimada iyo horumarka, sida isku tashiga ay uga qeyb qaateen dhismaha Wadada laamiga ah ee isku xirta Degmada iyo Gobollada kale.
Madaxweynaha oo ka jaawabaya baahiyaha kooban ee ka jira Degmada, ayaa faray Masuuliyiinta ay khuseyso in dhakhso degmada loo keeno Gaari Booliis oo uu yeellanayo Saldhigga Degmada.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Qaar ka mid ah Goleyaasha Dowladda Puntland, Xubno ka mid ah Senatarada cusub ee Puntland ku metelaya Dowladda Federaalka, Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, Taliyaha Qeybta Booliiska ee Gobolka Nugaal, maamulka Degmada Buurtinle, Masuuliyiinta Shirkadda dhismaha wadooyinka ee Isxilqaan, Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Degmada Buurtinle.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND