Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo kulan la yeeshay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.[Masawiro]

December 31, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid C/laahi Deni, ayaa caawa waxaa uu hoygiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan.

Madaxweynaha dowladda Puntland iyo Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa kulankooda waxaa ay uga wada hadleen arrimaha doorashooyinka iyo siddii loo dar dar gelin lahaa.

Dhinaca kale Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid C/laahi Deni waxaa uu hoygiisa ku qaabilay oo kulan kula qaatay sii hayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya Colleen Crenwelge iyo Safiirka Dowladda Ingirisiiska ee Soomaaliya Kate Foster waxaan kulan diirada lagu saaray arrimaha doorashooyinka iyo shirka wadatashiga qaran ee ku baaqay Ra’iisul wasaarah dowladda Federaalkas Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale Madaxwaynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta kulan la qaatay wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka iyo sidii ay Qaramada Midoobay u taageeri lahayd dadaalada socda ee la doonaayo in ay dalka uga qabsoonto doorasho.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

272,305 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>