Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad ka jeediyey Shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika

December 18, 2021 - Written by Editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Shirweynaha Saddexaad ee Iskaashiga Turkiga iyo Afrika ayaa soo bandhigay fursadaha iskaashi iyo maalgashi ee ka jira guud ahaan Qaaradda Afrika, gaar ahaanna Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda uu leeyahay horumarinta iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Turkiga iyo dalalka Afrika, isaga oo tilmaamay in Shirweynahani uu faa’iido istiraatijiyadeed u leeyahay wax wada-qabsiga iyo xiriirka Labada dhinac.

“Soomaaliya waxay ku kalsoon tahay in 5-ta qodob ee istiraatiijiyadeed ee iskaashiga ah ee hoosta lagaga xarriiqay Shirweynahan, ay dhammaanteen inoo horseedi doonaan jewi nabad, caddaalad, xasillooni iyo barwaaqo ah, sidoo kale ay keenayaan fursado aynu u simannahay dhammaanteen.”

Madaxweynaha oo ka warbixiyey xiriirka miro-dhalka ah ee Soomaaliya kala dhexeeya Turkiga, mashaariicdii iskaashi iyo maalgashi ee labo geesoodka ah, mugga ganacsi iyo isdhexgalka bulsho ee Labada Dowladood, ayaa tilmaamay in iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid ku dhisan Wax wada-qabsi, is-ixtiraam, isfaham iyo faa’iido labo dhinacle ah.

“Dowladda Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah oo dhan walba ah. Waxa aannu ka markhaati kacaynaa waxtarka uu noo leeyahay iskaashiga dhabta ah ee aannu la leenahay Turkiga, kaas oo tusaale ay ku dayan karaan u ah walaalahayaga Afrikaanka ah.”

Madaxweynaha oo ka warramay horumarrada ballaaran ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen dhinacyada amniga, maalgashiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo adeegyada bulshada, ayaa ugu baaqay Madaxda kasoo qeyb gashay Shirkan iyo maalgashadeyaasha caalamiga ah inay ka faa’iidaystaan fursadaha maalgashi ee ka jira Dalkeenna.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Reccep Dayyip Erdogan, Xukuumadda iyo guud ahaan shacabka dalkaas garab istaagga iyo taageerada ay mar walba u muujiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isaga oo hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay soo dhaweynayso qodobbada wax-ku oolka ah ee kasoo baxay Shirkan.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
December 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online