Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan Aaladda Fogaan Aragga la yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka

December 26, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan ku qabsoomay Aaladda Fogaan Aragga maanta la yeeshay wakiilada Beesha Caalamka kaas oo ay ka wada hadleen xaaladda dalka, dardar-galinta doorashooyinka iyo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu wado in uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u xaqiijiyay Wakiilada Beesha Caalamka in shirka furmaya ay diiradda ku saari doonaan ilaalinta hufnaanta doorashada iyo sixitaanka, ku dhaqanka habraacyada doorashada iyo soo saaridda jadwal ay ku caddahay waqtiga ay soo gabagaboobeyso doorashada .

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa si wadajir ah u bogaadiyay dadaalka Ra’iisul Wasaaraha ee la xiriira sidii doorashada u noqon lahayd mid daahfuran oo lagu kalsoonaan karo.

Wakiilladu waxay si gaar ah u soo dhoweeyeen kulammada wadatashiga ah ee Ra’iisul Wasaaruhu la yeeshay Midowga Murashaxiinta, Bulshada Rayidka ah iyo Beesha Caalamka si uu u dhageysto talooyinkooda ku aaddan hagaajinta hufnaanta iyo daahfurnaanta doorashada.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online