Ra’iisul Wasaaraha XFS oo shir guddoomiyay shir fogaan arag ah oo ay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka

December 17, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa shir guddoomiyay shir fogaan arag ah oo ay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka kaas oo diirradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka .

Wajiga hore ee kulanka waxa warbixin laga dhageystay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal kaas oo faahfaahin ka bixiyay dib u dhacyada ku yimid jidwalka doorashooyinka, hufnaanta doorashada iyo wadashaqeynta ay uga baahan yihiin Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Waxaa kulanka sidoo kale ka qeyb qaatay xubno matalayay Midowga Musharraxiinta oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyne hore Shariif Shiikh Axmed ,Madaxweyne hore Xassan Sh. Maxamuud iyo Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Abdirahman Abdishakuur kuwaas oo Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ka dalbaday in la saxo qaladaadka ka jira habraacyada doorashooyinka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay hufnaanta doorashooyinka.

Wadahadal iyo falanqeyn dheer ka dib xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka waxa ay isku raaceen in si kama dambeys ah loo dardargaliyo qabashada kuraasta doorashooyinka iyo in Golaha Wadatashiga Qaran uu isugu yimaado kulan dhawaan looga arrinsanayo dhammeystirka doorashooyinka.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online