Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM.[Masawiro]

December 5, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Taliyaha Ciidamada AMISOM, Janaraal Diomede Ndegeya, iyaga oo ka wada hadlay waajibaadka shaqo ee ciidamada AMISOM.

Intii uu kulanku socdey waxaa diiradda lagu saaray sidii loo hirgelin lahaa qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso sugidda amnigeeda qaran, iyada oo qorshaha kala-guurka lagu salaynayo heshiisyadii hore loo gaarey iyo waaqica jira, maadaama waajibaadka shaqo ee ciidammada AMISOM uu ku egyahay bishan December.

Sidoo kale, Wasiirka iyo Taliyaha ayaa ka wada hadlay qaabka ay isu la falgeli lahaayeen Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeeed iyo kuwa AMISOM iyada oo mar walba masuuliyadda jihaynta ay leeyihiin Soomaalidu.

DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
December 2021
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online