Xaalada Magaalada Boosaaso iyo kulamad ay wadaan Issimada iyo Culimada ku sugan Boosaaso
December 4, 2021 - Written by EditorBoosaaso:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegay in xaalada guud ee magaaladu ay tahay mid aad u wanaagsan waxaan socda dadaalo meel fiican maraya oo ay wadaan Issimada, Cuqaasha ,Ganacsatada iyo Culimada mana jiraan wax ciidamo ah oo is horfadhiya iyadoo ciidamada lagu amray in ay ku sugnadaan saldhigyo halka Ciidmaada Booliska ay sugayaan amaanka guud ee magaalada Boosaaso.
Ilo wareed ku dhow wada hadalka socda oo Halgan.net la xiriireen waxaa ay u xaqiijisay in wada hadaladu labada dhinac ay marayaan meel fiican waxaan la isla qaatay in wax walba oo khilaaf ama madmadow ah ee jira lagu dhameeyo wada hadal.
Issimada, Cuqaasha iyo culimaduna ayaa la sheegayaa in ay kulamo gooni gooni ah ay la yeesheen Madaxda dowladda ee ku sugan Boosaaso iyo Saraakiisha Ciidamada PSF balse ma jiraan weli wax xog ah oo ka soo baxay kulamadaas.
Mar aan wax ka wiidiinay in ay jiraan wax dhiilo colaadeed ah oo u dhexeeya dhinacyadae dowladda iyo Saraakiisha Ciidamada PSF ayey noo sheegeen in aysan jirin lana rajaynayo in wada xaajoodku ku soo dhamaado maalmaha soo socda guul iyo is afgarad.
A/cawaale
Halgan.net