Al Shabaab oo Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed ku dilay magaalada Kismaayo

February 22, 2022 - Written by Editor

Kismaayo:-Kooxda Lunsan ee ku caan baxday in ay daadiso Dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee Muslinka ah iyo Culumadooda ayaa maanta Duhurkii waxay magaalada Kismaayo ku dileen Sheekh Cabdi Naasir Xaji Axmed oo ka mid ahaa Culumada ugu waaweyn dalka Soomaaliya Saldhigiisan uu ahaa magaalada Laascaanood.

Sheekh Cabdi Naasir Xaaji Axmed ayaa waxaa uu u tagay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada hoose arimo dacwadeed halkaas oo lagu qabanayey kulan Dacwadeed.

Ma ah Markii ugu horeysay oo ay kooxda Al Shabaab gaado ku disho culumada Soomaaliyeed waxay horey u dileen Sheekh Maxamed Tahliil ,Sheekh Dr Axmed Xaji Cabdiraxmaan ,Sheekh Cabduqaadir Nur Faarax iyo culumo iyo ducaad kale oo indho u ahaa umada.

نا لله وإنا إليه راجعون إن لله ما أخذ وله ما اعطى وكل شيء عنده بأجل مسمى Ilaahay jannada Firdawsa ha ku abaalmariyo Sh. Cabdinasir Xaaji Axmed oo mar dhaweyd lAl Shabaab ku qarxiyeen magaalada Kismaayo oo uu joogey arrimo dacwo. وعند الله تجتمع الخصوم
اللهم اغفر له وارحمه واعف عنه وأكرم نزله ووسع مدخله واغسله بالماء والثلج والبرد آمين آمين

Cabdi Yare
Kismaayo


Comments are closed.

Archives
February 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online