Ciidamada Daraawiishta Puntland oo howl gal ka fuliyey deegaanada Milxo,Qow iyo Miciga Durduri.[Masawiro]

February 4, 2022 - Written by Editor

Boosaaso:-Howlgal uu hogaaminaayay Taliyaha aga Silsilada Golis ee Ciidanka Difaca Dowlada Puntland G/Sare Siciid Nuur Shire iyo saraakiil kale ayaa manta howlgallo kala duwan ka sameeyeey deegaano iyo Tuulooyin hoos yimaada Bari iyo Sanaag kuwaas oo kala ahaa Milxo,Qow, Miciga Durduri.

Ciidamadaan oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ay sigar ah howlgalka uga sameeyeen degaano la sheegay in ay tageen Xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo hoosyimaada deegaanka Milxo balse markii ay halkaas horay u gareen cutubyo ciidan Daraawiishta iskaga baxa.

Dadka deegaanka Milxo ee buuraleyda Calmadow ee gobolka Sanaag ayaa Taliyaha usheegay in ay iska difaceen cadowga alshabab iyagoona u mahadceliyay ciidamada Difaaca Puntland oo markiiba halkaas horay u gaaray.

Dhanka kale Saraakiisha ayaa tilmaamay in Howlgalkaasi uu ahaa mid qorsheysan,isla markaana Al-shabaab looga saaray Degaanadasi,waxa ayna shegeen in ay sii laba jibaari donaan Howlgalada Al-shabaab lagula Dagalamaayo Degaanada Puntland.

no images were found

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2022
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online